Home Wararka Maanta Trump “Qareen Merchan wuu i neceb yahay” Waa kuma garsooraha aan qoslin...

Trump “Qareen Merchan wuu i neceb yahay” Waa kuma garsooraha aan qoslin ee gacanta ku haya dacwadda Trump?

0

Garsooraha gacanta ku haya dacwadda Donald Trump ayaa og riwaayadda madaxweynihii hore uu keenayo maxkamadda.

Horay ayay dacwad maxkameed ugu kulmeen oo sannadkii 2022, Garsoore Juan Manuel Merchan ayaa madax ka ahaa dacwaddii wax isdaba marinta cashuurta ee keentay in madaxa dhaqaalaha ee Ururka Trump, Allen Weisselberg la xukumo.

In ka badan 16 sano ayuu kursiga ku fadhiyaa, laakiin kiiskan ayaa noqonaya kan ugu caansan ee maxkamaddiisa soo mara.

Xaakimka maxkamadda sare ee gobolka New York ayaa sidoo kale hogaaminaya kiis ciqaabeed oo ka dhan ah Steve Bannon, oo ay isku dhowaayeen Trump kaas oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wax isdaba marin iyo lacag la xiriirta hay’ad samafal oo la rabay in ay gacan ka geysato dhismaha darbiga Mareykanka iyo Mexico.

Jimcihii, Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social in Justice soo dhigay qoraalkan “ Qareen Merchan wuu i neceb yahay”

Waa kuma garsoore Juan Merchan?

Justice Merchan wuxuu bilaabay shaqadiisa sharciga ah sannadkii 1994, ka dib markii uu ka qalin jabiyay Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hofstra.

Waxa uu dhowr sano ku qaatay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada New York, ka hor inta uusan noqon ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Degmada Nassau 1999-kii.

Ka dib waxa uu u noqday kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee labada degmo ee Nassau iyo Suffolk.

Duqa magaalada New York ee Michael Bloomberg ayaa loo magacaabay garsooraha maxkamadda qoyska ee degmada Bronx 2006-dii.

Garsoore Merchan waxa uu ka soo shaqeeyay Maxkamadda Sare ee Degmada New York, isaga oo guddoominaya arrimaha dembiyada, ilaa 2009-kii.

“Waa sharci yaqaan dhab ah, caqli badan oo xitaa xanaaq badan,” qareenka difaaca Manhattan Ron Kuby ayaa u sheegay NBC News. “Ma ahan mid ka mid ah garsoorayaasha ku qeyliya qareennada, waxaana lagu sifeeyaa garsoore aad u adag.”

Sannadkii hore, kiiskii ka dhanka ahaa ururka Trump, Justice Merchan wuxuu ku adkaystay in eedaymahani aanay gabi ahaanba ahayn kuwo siyaasadaysan.

Qareenka ururka ayaa isku dayay inuu ku doodo in Mr Weisselberg loo bartilmaameedsaday xiriirkii uu la lahaa madaxweynihii hore.

Garsoore Merchan ayaa sheegay in dooddaasi aysan ahayn wax sharci ah.

Maxay tahay doodda haweeneyda sheegtay inuu Trump la seexday?

Stormy Daniels ayaa sheegtay in ay Trump xiriir la lahayd sanadkii 2006, taasoo uu si weyn u beeniyay.

Sanadkii 2016, waxa ay bilowday in ay warbaahinta u soo bandhigto waxa dhexmaray iyada iyo Trump.

Qareenkiisa Michael Cohen ayaa haweeneydaas siiyay 130 kun oo dollar si ay uga aamusto arrinkaas.

Lacagta noocaas ah ayaa sharci darro ka ah Maraykanka, waa tan lagu haysto Donald Trump.

Waxaa lagu haystaa inuu ka been sheegay diiwaankiisa ganacsiga oo uu lacagtaas ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay qareen.

Maxkamadda ayaa lagu weydiin doonaa Trump su’aalaha la xiriira hannaanka bixinta lacagtaas.

Madaxweynaha hore ayaa beeniyay inuu wax dembi ah galay, waxaana uu dacwadda ku tilmaamay mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Ad
Previous articleJeneraal Odawaa oo tagay furumaha Dagaalka xilli howlgal cusub bilaabanayo (Sawirro)
Next articleCiidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Dhul hor leh kasaaray Alshabaab(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here