Home Wararka Maanta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib Loo...

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib Loo Bilaabay Qaadashada Basaboorka

0

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo bilaabi doono adeegga bixinta baasaboorada oo muddo hakad la geliyay, sababo la xiriira ka hortagga faafida cudurka Coronavirus.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in 4ta bisha April oo ku beegan axada la bilaabi doono adeegga bixinta baasaboorada.

Hey’adda ayaa sheegtay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray 50%.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay qof kasta oo imaanaya xarumaha inuu mar kasta xirnaado af xirka (Facemask)

Halkan hoose ka akhriso:-

Ad
Previous articleKhasaare ka dhashay Shil gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho
Next articleMareykanka oo Kordhiyay Cunaqabadeenta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here