Home Wararka Maanta Ilhan Cumar oo Markii Sadexaad guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka...

Ilhan Cumar oo Markii Sadexaad guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

0

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay, balse heesata dhalashada dalka Mareykanka Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleesatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa kursigan waxa ay kula tartantay musharax ka socotay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cicely Davis , waxaana ugu dambeyn kursigan ku guuleestay Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa noqotay  sanadkii 2018 qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka, waxa ayna mar kale ku guuleesatay in ay difaacato kursigan .

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guushan ay ka gaartay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota , waxa ayna sheegtay in doorashadan tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Soo Afjarida Shabaab(Sawiro)
Next articleWasiir Cabdisaciid oo dhaleeceeyey go’aankii ROOBOW soona jeediyay in xilka laga qaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here