Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Bariujeed

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Bariujeed

0

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya Dagaal Culus oo Saakay ka dhacay Degaanka Bariujeed Degaanka la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa mudo ka daban Sadex bilood Ciidamada Deegaanka Beesha cayr Gaar ahaan Habar aji iyo ayaanle Ciidamadaan ayaana Dhul aad u balaaran Alshabaab kala wareegay Sadex bilood ka hor.

dhawaan ayaa waxaa ku biiray Ciidamada Beesha mursade kuwaas oo doonaayay inay Gaaraan Degmada Ceelbuur oo inkayar 40 kiilo mitir ujirta degmadaas.

Alshabaab ayaana Saakay aroortii Hore Babaaur qaraxyo ah kusoo weeraray Degaanka Bariujeed Qarax kowaad ayayna ku burburiyeen Anteenadii Hormuud ee deegaankaas Kadibna waxaa ka qarxayy Dagaal Qaraar oo saacado badan qaatay.

Dagaal ayaana lasheegay inuu ka dhashay khasaaro badan warar hor dhac ah ayaa Mudug24 u xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dhaawacmeen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyihii Booliska Degmada Guriceel Cusmaan Hudeey iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Guriceel ciidamo badan oo gurmad ah ayaana Goordhow gaaray Degaanka.

wararka Qaar ayaana sheegaaya in Alshabaab laga qabtay Maxabiis ayna katageen meydad badan.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Ciidamadii Ka Tirsan galmudug oo Furinta Joogay
Next articleXisbullah oo weerar loo adeegsaday gantaallada la hago ku qaaday waqooyiga Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here