Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ukrain” Maxaa naga Rabtaa Putin Dhukeena Ka Tag ila Fariiso anoo...

Madaxweynaha Ukrain” Maxaa naga Rabtaa Putin Dhukeena Ka Tag ila Fariiso anoo 30 Mitir kuu jira”

0

Madaxweynaha wadanka Ukraine ayaa ka dalbaday dhigiisa Ruushka wadahadal xal loogu goobayo xaaladda cakiran ee ka taagan wadankiisa, maadaama todobaadkii labaad uu ka socdo dagaal aan kala joogsi leheyn, kaasoo sababay khasaare lixaad leh, iyadoo hal milyan ay gaareen qaxootiga wadanka isaga cararay.

 

Volodymyr Zelenskyy oo suxufiyiinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa Vladimir Putin u soo jeediyay in ciidamadiisa uu kala boxo guud ahaan dalka Ukraine, kadibna laga wada hadlo xal u helista wixii tabahas ah ee jira, isagoo reer galbeedka u sheegay in xukuumada Moscow ay yurub inteeda kale u sii gudbi doonto.

 

“Ma ahan inaan doonayo inaan la hadlo Putin,Waxaan u baahanahay inaan la hadlo Putin,
dunidu waxay u baahan tahay inay la hadasho Putin, ma jirto qaab kale oo lagu joojin karo dagaalka, Maxaad naga rabtaa? Dhulkeena ka taga. Ila fadhiiso, aniga oo 30 mitir kuu jira,” ayuu yiri Volodymyr Zelenskyy.

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa ku jira maalintii Sagaalaad, tan iyo Khamiistii hore ayuuna qalalaase iyo burbur xoog leh ka socdaa magaalooyinka Ukraine.

Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya ergada Dooranaysa kuraas Gaalkacyo Beri lagu Dooranaayo oo la Shaaciyay iyo Hal kursi oo Dib loo Dhigay
Next articleDoorasho kà Bilaabatay Magaalada Bosaaso iyo Rag Caan ah oo Kusoo Baxay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here