Home Wararka Maanta Puntland oo Maanta xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag dil geystay

Puntland oo Maanta xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag dil geystay

0

Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta oo khamiis ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag lagu helay inay dil u geysteen gabar lagu magacaabi marxuumad Fardowso Warsame Muuse.

Ragga xukunka dilka toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdirashiid Siciid Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Cali, waxaana xeer ilaalinta Maxkamadda ay sheegtay inay raggaas qirteen dilka ay geysteen.

Maxkamadda derejada koowaad ee Boosaaso iyo tan rafcaanka ayaa isku raacay in dil toogasho ah lagu fuliyo labada Nin, iyagoona ugu danbeyn saaka lagu fuliyay xukunkii qisaasta ahaa.

Allaha u naxariistee marxuumad Fardowso Warsame Muuse ayaa waxaa dilkeeda loo adeegsaday toorrey looga dhuftay meelo halis ah oo sababay inay geeriyooday, waxaana dilkeeda uu ka dhacay degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Booqday Dabaqii Kusoo Dumay Dadka Shacabka ahaa(Sawiro)
Next articleWasiir Fiqi oo Gaaray Xarardheere Fariina Gaarsiyaay Ciidamada Gor Gror ee Gacanta ku Haaya Magaaladaas(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here