Home Wararka Maanta Wasiir Axmed Xasan oo kulan Arrimo muhiim looga hadlay la qaatay Dhigiisa...

Wasiir Axmed Xasan oo kulan Arrimo muhiim looga hadlay la qaatay Dhigiisa Talyaaniga (Sawirro)

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay kawadahadleen arrimo muhiim u ah dalkeena.

Labada dhinaca ayaa wadahallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo hay’adaheedda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiir Ahmed Hassan ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah.

Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan.

Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaaf ah oo ka shaqeeya sidii diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska kaashan doonaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Markale Gudaha ugalay Itoobiya
Next articleXasan Sheekh oo gaaray Itoobiya iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la Shaaciyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here