Home Wararka Maanta Dowlada Itoobiya oo eedeymo culus u jeedisay dalalka Yurub iyo Mareykanka

Dowlada Itoobiya oo eedeymo culus u jeedisay dalalka Yurub iyo Mareykanka

0

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa eedaymo culus u soo jeedisay dalalka ree galbeedka iyo Maraykanka oo ay sheegeen inay faragalin ku hayaan arrimaha guddaha Itoobiya.

Itoobiya waxay sheegtay in xukuumadda Biden hoggaamiyo iyo dalalka ree galbedku ay la safteen kooxda TPLF oo ay doonayan inay badbaadiyaan.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Maraykanka iyo reer galbeedku ay afka ka sheegaan inay la dagaalamayan argagixisada caallamiga ah balse daddaal kasta ku bixinayaan badbaadinta TPLF.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili Ciidamada Itoobiya oo taageero ka helaya kuwa Eritrea ay kulaalayaan magaalada Makelle ee xarunta maamulka gobolka Tigray

Sidoo kale, Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili Wadahadallo nabadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda taagan gobolka Tigray ay ka socdaan dalka Koonfur Afrika.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Saciid Deni ku qanciyey xil la siiyey wiilkiisa(Xog)
Next articleAskarigii dilay Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka hadlay waxa ku Kalifay inuu dilo Xildhibaanada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here