Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo laba arrin ku amaanay madaxweyne...

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo laba arrin ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna ra’iisul wasaare hore oo soo maray dalka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, kadib isbeddalkii ka dhacay Soomaaliya, 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Gaas oo uu warramay Telefishinka Universal ayaa aad u boggaadiyay shaqo wanaagsan oo uu tilmaamay inay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasigan ayaa si gaar ah madaxweynaha ugu amaanay go’aankiisa ku aadan xoreynta dalka, si loo saaro kooxda Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladdu ay fursad ka heshay kacdoonka shacabka ee ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo sare u qaaday dagaalka socdo.

“Madaxweynihu mudnaanta uu siiyay la dagaalanka Al-Shabaab runtii aadbaan u boggaadinayaa, waana waxa kaliya ee hadda lagu qiimeyn karo waxqabad dhab ah oo muuqda oo aan is oran karno dowladdu waa ay ku faani kartaa intaas weeye,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale wuxuu ku aamanay dowladda sida ay u shaqeynayaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in weli shaqo adag laga rabo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, maadaama ay yihiin saaxibo horay usoo wada shaqeeyay.

“Niman saaxibo ah oo isku xisbi ah ayey ahaayeen labadaa nin laakin shaqo ayaa laga rabaa,” ayuu markale yiri Cabdiweli Gaas.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaabm, kaas oo inta badan ka socdo gobollada dalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleWeerar Culus oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidamadda Somaliland Ay Ku Leeyihiin Laascaanood.
Next articleDowladda FEderaalka Soomaaliya oo magacawday guddi baaritaano ku sameeya xaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here