Home Wararka Maanta Deni ayaa sheegay Hal Arin oo dhibaato wayn ku Haysa Maamulka Puntland

Deni ayaa sheegay Hal Arin oo dhibaato wayn ku Haysa Maamulka Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in walxaha maanka-dooriya uu fara ba’an ku hayo maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar kamid ah ciidamada ay qeyb ka noqdaan dadka isticmaala, xilli maamulka uu si adag ula dagaalamayo noocyada kala duwan ee maandooriyaha.

“Waa in la xakameeyaa isticmaalka muqaadaraadka oo ayaamahaan dambe aad usoo kordhay, kuwii la rabay in ay xakameeyaan ee ciidamada ah ayaa ku laban dadka isticmaala, waana nasiib darro,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada, saraakiisha, masuuliyiinta, shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in si wadajir ah loola dagaalamo mukhaadaraadka, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara “isticmaalka walxaha maanka-dooriya.”

“Waa nasiib darro waxaana loo baahan yahay in wadajir loola dagaalamo, dadka ay saameynta ku yeelaneyso way sii badaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, dagaalka ka dhanka ah waan wadnaa waana sii kordhin doonnaa.”

Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay la-dagaalanka dadka ka ganacsada walxaha maanka-dooriya iyo kuwa isticmaala, isaga oo soo jeediyay in lagu garab istaago howl-galladaasi.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, islamarkaana dhibaatada ku haya bulshada.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay caasimada Puntland ee Garoowe ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee furista dastuurka Puntland iyo khilaafka doorashooyinka maamulka.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin adag oo ku wajahan shacabka kunool Ceelbuur iyo Galhareeri
Next articleAgaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo Shaaciyay Sababtii uubisku Casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here