Home Wararka Maanta Ciidamo Caraysan oo Qaybo ka Mid ah Gaalkacyo la Wareegay

Ciidamo Caraysan oo Qaybo ka Mid ah Gaalkacyo la Wareegay

0

Wararka naaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegeen bar-kontarool oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka Gaalkacyo oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gebi ahaanba diiday inay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in bar-kontaroolkaas ay ku xaniban yihiin gaadiidka kala duwan ee xamuulka, waxaana durtaba bilaabatay waan-waan la xiriirta arrintaan.

Ciidankan gadoodsan iyo saraakiisha horkacaysa ayaa waxaa hadda lagu qancinayaan in ay jidka furaan, islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Hase yeeshe, saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa dhankooda sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, kuna adkeystay inaysan furi doonin wadada illaa ay ka helayaan xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana durba saameynta dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas laga dareemay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.

Gadoodka ciidamadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay wajaheyso kacdoon ciidan, waxaana Garoowe ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Danab ee maamulkaas iyo madaxtooyada, kuwaas oo ka horyimid dib u doorashada Saciid Deni.

Ad
Previous articleP.M Xamse “Fircoon ayaa hadda ka hor halaag ku hoggaamiyey dadkiisii qaadan jiray amaradiisa ee hoggaanka uu u hayey hadana Muuse Biixi ayaa dadkiisii qiimaha badnaa Xabashi ku daray”
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Xalay ku Hoyday Dhuusamareeb iyo Qorshe ka Bilowday Magaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here