Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Maalinta Birita ah ay tahay Maalinta ugu...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Maalinta Birita ah ay tahay Maalinta ugu dambeysa ee Ramadaan

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo 30-ka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa ilaa afurkii caawa ku sugnaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal (Soon Fur).

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan Dowladaha Islaamka ku dhawaaqeen in berri aysan ciid aheyn.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo u duulay uganda
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Kulan Duceed La qaatay Madaxweynaha wadanka Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here