Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo lagu Qaadi lahaa Beerta Nabada...

WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo lagu Qaadi lahaa Beerta Nabada Oo La Qabtay(Sawiro)

0

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 6-dii bishan May ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay fashiliyeen shabakad ka tirsan Al Shabaab oo doonaysay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidammada NISA gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda lagu qaadi lahaa.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan  lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

”NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.

Warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraadeen weerarada ay Al Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho, waxaana magaalada laga howlgaliyay ciidamo cusub oo amniga xaqiijinaya.

Ad
Previous articleKacdoon Culus oo ka Dhan ah Muuse biixi oo Ka Bilowday Magaalada Boorama
Next articleSarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ku Wajahnaa Magaalada Gaalkacyo oo Gacanta Lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here