Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan(Sawiro)

Xasan Sheekh Maxamuud la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Kulanka dhax maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayey uga wada hadleen  xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga xiriirka ee dhinacyada kala duwan.

Wakaaladda wararka u fidisa Sacuudiga ee SPA, ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka dhax maray Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Salmaan looga hadlay sidii Sacuudiga uga taageeri lahaa Soomaaliya dhinacyo badan sida hirgelinta mashaariic iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortay ka shaqeeyay soo celinta cilaaqaadkii dowladda Sacuudiga iyo dowlado kale la lahaayeen Soomaaliya , kuwaa oo xumaaday xilligii dowladii Madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashooyinka Galmudug ee dhawaan lamagacaabay oo la dhaariyay Ammar cusubna la siiyay (Sawirro)
Next articleKenya Oo Adkeysay Xadka Soomaaliya ay lawadaagtay kadib Cabsi Xoogan oo soo Wajahday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here