Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo Toogasho ku xukuntay rag dilal ka geysan jiray Magaalada...

Maamulka Puntland oo Toogasho ku xukuntay rag dilal ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo

0

Maxkamadda darajada koowad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah laba nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna dilal ka geysteen Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa dhageysatay gal-dacwadeedka xeer ilaalinta ka diyaarisay kiiskan iyo difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane, ka hor inta aysan ku dhawaaqin xukunka oo maanta soo baxay, kadib fadhiyo kala duwan oo ay maxkamaddu ka yeelatay dacwadda.

Sida ay shaacisay maxkamadda Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre yaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay Al-Shabaannimo.

Xasan iyo Cabdikhaaliq ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inay dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in labada nin ee la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka maanta lagu ridday.

Puntland ayaa horey sidaan oo kale xukunno dil ah ugu fulisay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey shakabaddii lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Si kastaba, kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku xoogan deegaanada Puntland, waxaana ay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ka geystaan magaalooyinka maamulkaasi.

 

 

Ad
Previous articleMidowga yurub oo 120 Milyan ugu deeqaya Howlgalka ATMIS
Next articleBaarlamaanka Maamulka Puntland oo markale Gaashaanka u Daruuray Tallaabadii Saciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here