Home Wararka Somaliya Somaliland Maxay ka wada hadleen Garaadada Laascaanood iyo guddiga Qaramada Midoobay?

Maxay ka wada hadleen Garaadada Laascaanood iyo guddiga Qaramada Midoobay?

0

Sida uu Warbaahinta da u sheegay Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood, wafdi ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dagaalka Laascaanood ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka.

Kulanka ayaa ka dhacay dhismaha Qaramada Midoobay ka dagan tahay magaalada Garowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland, waxaana ka qayb galay saddex garaad oo matalayay dhaqanka iyo afhayeenka guddiga aaya ka tashiga SSC. Garaad Mukhtaar ayaa kamid ah xubnaha Garaadada ah ee shirka ka qayb galay.

Guddiga ayaa su’aalo ka waydiiyay xubnahaan xaaladda magaalada Laascaanood iyo dhacdooyinka gundhigga u ahaa dagaalka mudada bisha ka badan ka socda magaalada.

“Annagu xogtii dhabta ahayd ayaan u sheegnay, oo ahayd tiradu maalintaas intay maraysay oo ah 181 dhimasha ah, inta bandanna u badnaa dumar iyo caruur, waan u sheegnay dadka ku dhaawacmay” ayuu yiri Graad Mukhtaar oo marka uu noo warramayay ku sugnaa magaalada Garowe.

Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa socda bil iyo todoba maalin oo xiriir ah, inkasta oo maalamaha qaar xaalku daganaa uusanna jirin dagaalka fool ka fool ah oo ay ciidamada labada dhinac isaga horyimaadeen.

Guddiga xaqiiqa raadinta ee Qaramada Midoobay ayuu Garaad Mukhtaar noo sheegay in ay doonayeen in ay tagaan magaalada Laascaanood, balse aysan u suuragalin maadaama uu dagaalku wali socdo.

Dhanka kale guddi kale oo xaqiiqo raadin ah ayaa la kulmaya dhinaca Somaliland kuwaas oo su’aalo ka waydiinaya xaalka Laascaanood.

Garaadadu waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen go’aanka ka soo bixi doona xog uruurinta ay wadaan guddigu, kaas oo la filayo in golaha ammaanku ka doodaan dabayaaqada Bishan Maarso.

Maxay garadadu ka filayaan go’aanka guddigaan?

Garaad Mukhtaar wuxuu u sheegay BBC da in ay ka filayaan Qaramada Midoobay go’aan ay ka soo saaraan cidda iska leh masuuliyadda dagaalka Laascaanood. “Hadii ay anaga noqoto iyo hadii ay dhanka kale ee Muuse biix noqotaba in ay xogta soo saaran, kadibna ay nasiiyaan ciqaabta kooxdaas ku waajibta [ayaan filaynaa].” Ayuu yiri Garaad Mukhtaar.

Waxaan wax ka waydiinay in ay doonayaan wadahadal dhex-mara iyaga iyo Somaliland iyo hadii ay rajo ka qabaan in ay dib ugu biiraan Somaliland.

“Mustaqbalka waxa ilaahay keeni doono Allahu yaclam, laakiinse inta hadda aan ognahay cadaawadda meesha ka dhacday iyo arxan-darrada meesha ka dhacday, waxaad moodda Muuse inuu u diyaaryahay inaan la isu soo laaban, rajadeediina wuu soo afjaray” ayuu yiri Garaad Mukhtaar.

Dagaalka Laascaanood ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah kuwii ugu waqtiga dheeraa ee ka dhaca deegaanada Soomaalida.

Somaliland dhankeeda kama aysan hadlin hadii ay la kulmeen guddi ka socda Qaramada Midoobay iyo wada hadal dhexmaray midna.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacamay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday iyo Khaasaraha Ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here