Home Wararka Caalamka Qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe

Qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe

0

Abe ayaa olole doorasho ka waday magaalada Nara oo qiyaastii 300 km u jirta caasimadda Tokyo

Wuxuu jeedinayay khudbad uu ku taagerayay murashax u taagan baarlamaanka deegaanka oo lagu magacaabo Kei Sato oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalk sare.

Saacaddu markay ahayd 11:30 am ayaa waxaa la maqlay rasaas iyadoo Abe laba jeer laga toogtay qoorta.

Markiiba dhulka ayuu ku dhacay waxaana loola cararay isbitaalka ugu dhawaa goobta

Booliska ku sugnaa goobta ayaa qabtay ninka toogashada gaystay, waxaana lagu hayaa hadda saldhig boolis oo ku yaalla magaalada.

Qori dhulka yaalla ayaa la arkayay. Waxaa jira warar sheegaya in ninka uu adeegsaday qori macmal ah oo guri ku sameys ah balse wali lama xaqiijinin.

Ka dib sacaado lagu daweynayay isbitaalka, Abe waxaa la sheegay inuu dhintay 05:03 pm wakhtiga dalkaasi.

Ad
Previous articleKenya oo Markale War Cusub kasoo Saartay Xiliga La Bilabaayo khaadka Loo Dhoofiyo Soomaaliya
Next articleAxmed Madoobe oo furumaha dagaalka ku booqday ciidanka loo Diyaariyay in Alshabaab Weeraraan (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here