Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Ragii Gaalkacyo ku Dilay Axmed Tahliil oo lasoo Qabtay

Wararkii ugu Danbeeyey Ragii Gaalkacyo ku Dilay Axmed Tahliil oo lasoo Qabtay

0

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Shalay soo qabtay shan nin oo shalay nin ganacsade ahaa ku dhex dishay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ragaas wuxuu maanta lagu qabtay duleedka magaalada Bursaalax.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyey soo qabashada ragaas, wuxuu sheegay inay ku xiran yihiin xabsiga Gaalkacyo, isla markaana la horgeyn doono maxkamad, si kiiskaas cadaaladda loo waafajiyo.

Ninka ganacsadaha ahaa ee raggaasi ay dileen waxay lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil, wuxuuna ahaa nin caan ah oo laga yaqaanay inta badan waqooyiga Gaalkacyo oo shalay lagu dilay.

Muuqaal laga duubay raggi ninkaan dilay ayaa muujinaya, inay kala soo baxeen tukaan uu isagu lahaa, kadibna ay ku dileen bartamaha laamiga, kadib markii uu diiday inuu raaco gaari ay wateen.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay inay xog hordhac ah ka heleen sababta ay ragaasi u dileen Axmed Tahliil, taas oo ah is qabqabsi la xiriira wiil ay dhashay rabar uu qabo Liibaan Tahliil oo la dhashay ninka la dilay, wiilkaas waxaa sheegtay nin horay u qabay gabadha, kaas oo ku dooday inuu furay iyadoo uur leh.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyey in reerka uu ka dhashay ninka shalay la dilay ay wiilkii lagu qabsaday u direen dalka dibadiisa, taas oo sababtay in ragaasi ay isku dayaan inay afduubtaan adeerkiisa oo tukaan gadanaya.

Waxay wateen gaari Borobox ah, waxay ahaayeen shan nin oo hubeysan oo laga dhex arkay muuqaal laga duubay, ganacsade Axmed Tahliil ayey kala soo baxeen tukaankiisa, iyagoo qorsheynaya inay afduubtaan ayuu ka diiday inuu gaariga taaco, halkaas ayeyna ku toogteen.

Muuqaalkii laga duubay ragaas ayaa fududeeyey in la aqoonsado, sidii ayaana lagu raadiyey, iyadoo maanta lagu guuleystay in lasoo qabto sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Jifojabsade.
Ad
Previous articleMaraykanka oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis Arin Xasaasi ah.
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug oo la Duqeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here