Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Maamul Goboleed u aqoonsatay SSC-KHAATUMO

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Maamul Goboleed u aqoonsatay SSC-KHAATUMO

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u aqoontay maamulka SSC-KHHAATUMO oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareero taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhowaaqay go’aanka kasoo baxay dowladda.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Feb, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dawladda Federaalka.

Mawqifka dowladda federaalka ee aqoonsiga maamulka KMG ah,l ayaa  faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-KHAATUMO oo hadda dagaal kula jira Somaliland.

Ad
Previous articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Magaalada Xudur iyo laftagareen oo asna Ku wajahan
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Abaabul dagaal oo ka socda Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here