Home wararka Dalka Dhageyso Faroole Oo Dal Baday In Maxkamad Lasoo Taago Wasiirka Dastuurka Soomaaliya...

Dhageyso Faroole Oo Dal Baday In Maxkamad Lasoo Taago Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil

2
SHARE

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare Barlamaanka Soomaaliya, ayaa si faah faahsan uga hadlay marxaladihii uu soo maray Dastuurka dowladda Federaalka Somalia, xilli magaalada Garowe uu joogo wafdi kasocda dowladda dhexe oo wada qorshayaal ku aadan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Farole, ayaa sheegay in dastuurkan lagu saxiixay magaalada Nairobi kuwaasoo ay qalinka ku duugeen lix saxiixe oo kasocday dowladda dhexe, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kaasoo damaanad qaade ka ahaa Wakiilkii markaas u joogay Qaramada Midoobay  Somalia Augustine Philip Mahiga.

Farole, ayaa Wasiir Xoosh ku eedeeyay inuu marin habaabiyay Dastuurka Somalia iyo saxiixayaashiisa, taasna ay tahay nasiib darro iyo been abuur loo gudbinayo shacabka.

Dastuurka oo Wasiir Xoosh tilmaamay inaan waxba laga farogalin ayuu Farole ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo xusay in qodobo badan faraha la galiyay oo sidii loo saxiixay qaab ka badalan loo gudbiyay, taasoo uu xusay inay ka sameeyeen qoraalo tiro badan.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Faroole,

2 COMMENTS

  1. MA DASTUURBAA KAASI???? WA DASTUUR KU SHEEG ISKA DABAHOR IMAANAYA,,OO ISBURINAYA.SOMALIA DASTUUR LAGUMA XUKUMEE WAXAA LAGU XUKUMAA “”ANAA LAAN DHEERE””!!

  2. WALEE FAROOLE WAA NIN ADAG,XAQIIQ WA KA FIICAN YAHAY C/WELI GAASKAAS KU SOCDA NISIDIINTA..FAROOLE GARBUHUU CALAASHADAY XOOSH JOBRIL,.,k!k!k!k!k!k!k!k!!k

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here