radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Dag Dag Sawirro Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riday Askarigii Dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ragii loo heystay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiiirkii howlaha guud iyo dib udhiska xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalbaka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda….

Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.

DOOD DHEER KADDIB.
Maxkamaddu
Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku Xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qoraygii uu ku qornaa kadib markii ay murmeen ciidankii ilaalinaayay Ceel-gaab.

Markay Dhagaysatay: – Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.

Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, hadii aan loo haysan dambi kale.

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Dhageyso Jawaab Hadalka Madaxweynaha Puntland oo Wacad ku maray in Maamul Cusub u sameenayo Gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn..
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa wacad ku maray in uu Maamul ...
Dhageyso Taliyaha Ciidanka xooga Dalka General Gorod oo Gaalkacyo kula Hadlay warbaahinta..
- Dec 15, 2017
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa shalay gaaray ...
Madaxwayne Xaaf oo Dhax-dhaxaadin Ka Wada Galkacayo Si Loo Dhameeyo Khilaafka Laba Beelood.
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf ) ayaa la sheegayaa in qeybo ka ...
Maraykanka oo Hakiyay Gargaarka uu siin jiray Ciidamada Xooga Dalka.
- Dec 15, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay joojisay gargaarka ay siiso Ciidamada qalabka sida ee ...
Ra”isul Wasaare Khayre oo Cambaareeyay Qaraxii Janaral Kaahiye.
- Dec 15, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa weerarkii ismiidaaminta ee maanta ...
Diyaaradaha Dagaalka Isra’iil oo Duqeyn Culus Ka fuliyay Marinka Qaza (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Diyaaraddaha yahuudda Israel ayaa duqeeyn culus u geestay Marinka Qaza waxyar un kadib ...
Xasan Shiikh Maxamuud “Alshabaab oo Cadawga Umada Soomaaliyeed ee Ha loo midoobo.
- Dec 15, 2017
Madaxweynihii hore ee soomalia xasan shiikh maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay Weerarkii ...
Madaxwayne Xaaf iyo Taliyaha Xooga Dalka oo Galkacayo Maanta la Kulmay Sarakiil Cadaan ah (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka gen.Cabdiwali jaamac Gorod ...
Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Gudoomiye Taabit oo Isbitaalka Ku Booqday Ciidamadii Maanta Qaraxa Ku dhaawacmay (Sawiro)
- Dec 15, 2017
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ahan Ku simaha Taliyaha Ciidamada Boliiska Gen Muqataar ...
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Shaaciyay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Qaraxii Gen” Kaahiye.
- Dec 14, 2017
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumay ayaa Faah Faahiyay Tirada Ku dhimatay Kuna ...
War Deg Deg Ah Kooxda Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho..
- Dec 14, 2017
War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ...
Qof Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Wadada Bile Rafle ee Magaalada Gaalkacyo..
- Dec 14, 2017
Nin dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay jidka bile raflle ee Gaalkacyo" Marxuumkan oo lagu ...
Akhriso Warsaxaafadeed Gudoonka labada Aqal oo Khilaaf Xoogan soo Kala dhex-galay.
- Dec 14, 2017
Khilaaf iyo loolan dhanka awoodda ah ayaa ka soo if baxay Guddoonka Labada Gole ...
Deg Deg:- Qarax ismiidaamin ah ayaa Lagu Galay Xarunta Gen Kaahiye ee Ciidanka Boliiska Xili ay Wadeen Diyaar garoowga Dabaal dega.
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
War Deg Deg Ah Weerar ka Dhacay Deegaanka Taaroge oo Khasaaro ka dhashay..
- Dec 14, 2017
Wararka ka imaanaya Deegaanka Taaroge ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay weerar Xoogan. Weerarka ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: