Home Wararka Somaliya Galmudug Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Magaalada Dhuusamareeb (Sawiro)

Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Magaalada Dhuusamareeb (Sawiro)

0

Dab xoogan  ayaa ka kacay Carwooyin iyo Baqaaro ku yaal Magaalada Dhuusamarewb ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Galmudug, balse waxaa lagu guuleystay in la demiyo.

Goobaha Ganacsi ee uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay ku yaallaan dhabarka dambe ee Xarunta dowladda Hoose ee Dhuusamareeb, waxaana dabka uu ka dhashay Koronto.

Khasaaro hantiyadeed ayuu dabka geystay, waxaana gubtay Agab kala duwan oo yaallay Carwooyinka iyo Bakhaarada.

Dadka Deegaanka Ayaa fidiyay Gurmad Xoogan, waxaana Suurta gashay ugu dambeyn in Lagu Guulaystay dabkaas in la damiyo.

Ad
Previous articleDhageyso Cumar Finish oo Digniin culus soo saaray
Next articleAllaha unaxariistee Qoraagii weynaa ee Maxamed Daahir oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here