Home wararka Dalka Wararkii ugu Danbeeyay Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo loo geestay Dhaawac...

Wararkii ugu Danbeeyay Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo loo geestay Dhaawac iyo Dil Magaalada Muqdisho,,,

0
SHARE

Wararka aan ka heleyno Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta Suuq kuyaala Degmadaasi dil iyo dhaawac loogu geestay askar katirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya oo xiligaasi ku howlanaa canshuur uruurin.

Sedex nin oo Biskoolado ku hubeesnaa ayaa la sheegay in Suuq Boocle ku dileen askari katirsan Ciidanka dowlada hoose ee Xamar halka mid kalana dhaawac u geesteen, waxaana halkaasi isaga baxsaday ragii dilkaasi fuliyay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in askariga la dilay uu canshuur ka qaadayay goob ganacsi oo Suuq boocle kutaala waxaana dilkisa kadib usoo gurmaday askari kale oo la socday kaas oo isna rasaas ay ku fureen ragii hubeesnaa ku dhaawacmay.

Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska ayaa dilka kadib gaaray Suuq buucle gaar ahaan halka uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgal aan wali la shaacin naiijada kasoo baxday.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto askarta dowlada iyo dad shacab ah, waxaana dilkan uu imaanayaa xili si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ay ka howlgalayaan ciidamo gaar ah oo loogu magac daray xasilinta Xamar.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here