Home wararka Dalka Sawirro Raysal Wasaare Khayre Oo Kormeer Ku Tagay Wadooyinka Waa Wayn Ee...

Sawirro Raysal Wasaare Khayre Oo Kormeer Ku Tagay Wadooyinka Waa Wayn Ee Magaalada Muqdisho

1
SHARE
  • Views 0
  • Rating 12345

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Isgoysyada illaa 9 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, isagoo u kuur galayay xaalada amniga iyo qaabka ay ciidamada ammaanka u sugayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha NISA iyo Saraakiil ciidan, waxaana uu tagay degmooyinka Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shingaani, C/casiis, Hodan, H/wadaag, Wadajir iyo Warta Nabada.

Mr Kheyre ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinka uu kormeerka ku marayay, isagoo saraakiilka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howl galada xasilinta Amniga Caasimadda.

Intii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeerka ku jiray ayaa waxaa uu Isgoyska Bakaaraha kula kulmay howl gal ay wadeen Ciidamada Xasilinta, xilligaas oo baaritaano ku howlanaayeen, waxaana uu ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamada u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waddooyinka Muqdisho kula kulmay dhalinyaro ciyaareysay Taraq, isagoo la ciyaaray dhalinyarada, kalana sheekeystay xaaladooda iyo tan amniga magaalada.


1 COMMENT

  1. MA AHA FARIIN SAX AH,,WHY?BAABUUR AAN XABADU KARIN & TOBAN CABDI BILE NIN SOO KAXAYSTAY OO SOO DHEXMARAY XAAFADO,SIDAAS LAGUMA QIIMEEYO AMNI MAGAALO,R/W KHAYRANA FARIIN QALDAN BUUSOO GUDBIYEE,HAKA SOO DHALAALO SHAQADIISA..SOMA OIL AND GAS TUUGADAASNA HA NAGA QANCIYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here