Home Wararka Maanta Dowladaha Turkiga, Masar iyo Eritrea oo Balan Qaaday inay Soomaaliya Ka Difaaci...

Dowladaha Turkiga, Masar iyo Eritrea oo Balan Qaaday inay Soomaaliya Ka Difaaci Doonaan Itoobiya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa dagaal iyo xeelad kii Itoobiya ay isku daydo inay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana kacsan xaaladda gobolka Geeska Afrika oo muhiim u ah guud ahaan dunida.

Soomaaliya oo hadda uu dhisme ku socdo nidaamkeeda dowliga ah iyo ciidamada qaranka, waxaa la saadaalinayaa inaysan huri doonin dagaal ay la gasho Itoobiya, maadaama xabashidu ay wacad ku martay in bad la’aan aysan sii ahaa doonin.

Seddax dal ayaa la sheegay in Soomaaliya ay isku haleyneyso inay garab buuxa sii doonaan hadii dagaal qarxo oo Itoobiya iyo Soomaaliya ay is farasaaraan, taas oo Soomaalida ku dhiirigelineysa inay wadankooda difaacdaan.

Dowladaha kala ah, Turkiga, Masar iyo Eritrea ayaa la sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya u balan qaadeen garab istaag buuxda, labo kamid ah dowladahaas wuxuu dagaal culus kala dhexeeyaa Itoobiya.

Masar iyo Eritrea cadowgooda koowaad ee Itoobiyaanka, waxayna isku hayaan qadiyado soojireen ah, wuxuuna dagaalkoodu fursad u yahay Soomaaliya oo cadowgeeda dunidaan uu yahay Itoobiya.

Turkiga wax dagaal ah oo la ogyahay kalama dhexeeyaan Itoobiya, balse waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya difaaceda uusan ka gorgortami doonin, maadaama uu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaalida, dadaal badana ku bixiyey dhismaha qarankii burburay ee Soomaaliya.

Hadda madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku sugan yahay Masar, kadib markii uu casuumay madaxweynaha dalkaas markii uu qarxay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa kulamada ka socda Qaahira uga arrinsanaya sidii ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, horay Xasan Sheekh wuxuu ugu safray Eritrea, halka qadka taleefanka uu kula hadlay Madaxweynaha Turkiga.

Masar waa dalka ugu awooda badan ciidan ahaan qaaradda Afrika, dunidana Masar waxay dhanka awooda ka daba dhowdahay Turkiga, dagaal soo jireen ah oo ku saabsan biyo xireenka wabiga Nile ayaana kala dhexeeya Itoobiya, Masar waxay 1977-kii ka mid aheyd dowladihii Soomaaliya ku garab istaagay dagaalkii ay ku jabtay Itoobiya.

Ad
Previous articleSidee xalay wax uga dhaceen goobtii ay weerareen al Shabaab ee degmada Kaxda?
Next articleMaxaabiis ku Xukunayd Dil Toogasha ah oo Ka Baxdady Xabsi ku Yaala Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here