Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey xasan Shiikh iyo Beesha Xawaadle oo ismari la iyo...

Wararkii ugu Danbeeyey xasan Shiikh iyo Beesha Xawaadle oo ismari la iyo Shirar lagu kala kacay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad kulamo ka wada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana kulamadaas ka soo baxaya xogo muujinaya in la isku fahmi waayey.

Nabadoon Cabdi Gardheere oo ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sheegay in seddax fadhi ay ku kala tageen Madaxweynaha, isla markaana uu ka diiday waxyaabihii ay kala hadleen.

Nabadoon ayaa ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay talo meel ugu xiran tahay, ayaguna ay wataan dalab aan laga gudbi karin, taas oo sababtay in haba yaraatee la isku fahmi waayo kulamadii ka dhacay Maxaas.

“Maxaas waxaan u nimid dalab, waxaan na cosaday madaxweyne Xasan Sheekh, wixii uu noogu yeeray iyo wixii aan ka codsanay waa is qaba waayeen, seddax fadhi ayaan ku kala tagnay,” ayuu yiri Nabadoonkaan u hadlay beesha Xawaadle.

Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu diiday inuu kala hadlo tabashadooda, isla markaana uu hadalkiisa ku ekeeyey “Dalka ila xoreeya.”

Cabdi Gardheere wuxuu xusay inay Madaxweynaha u sheegay in dalkaan uu Soomaali ka dhexeeyo waajibkoodana ay ka guteen oo deegaanadii ay ku lahaayen ay xoreysteen.

“Madaxweynuhu wuxuu watay qorshe u gaar ah, anaguna waxaan dhahnay tabashada aan qabno nagala hadal, wuxuuna yiri maya teyda hala fuliyo ee dib noogu dhiga tiina, intaas ayaana ku soo kala tagnay ugu dambeyntii,” ayuu yiri nabadoon Gardheere.

Telefishinka SP oo wareysigaan uu siiyey Nabadoonku ayaa weydiiyey waxa uu dalbanayo Xawaadle ee Xasan Sheekh uu diiday wuxuuna ku jawaabay in maamulka ay dhisteen ee Hiiraan State ay doonayeen inay ka ansixiyaan Madaxweynaha.

“Dhammaan Nabadoonadii reer Hiiraan ee Xawaadle iyo beelaha kale ee la dega ayaa Maxaas yimid, intaas oo beelood tabashadooda madaxweynuhu waa dhageysa diiday, waxa aan isku qabanay waxaa ka mid ah Shabeellada Sare iyo Hiiraan State inuu anxisiyo, wuxuuna noogu jawaabay waxa aad sheegeysaan halkaan uma imaan,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Gardheere.

Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yiri “War kale anigu geli maayee dalka aan xoreyno, waxaan u sheegnay in dalka xoreyntiisa aan diyaar u nahay oo dhulkeenii aan ka xoreysanay cadowga, dalka oo la xoreyn wax kale kama hadlaayo ayuu noogu jawaabay, dalkana anaga kaliya dad uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray nabadoonkaan.
Ad
Previous articleMuran xooggan oo ka taagan guraha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Ka Dhacay Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here