Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dalka Qatar Caawana Toos u Daawan Doorana...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dalka Qatar Caawana Toos u Daawan Doorana Finalka Koobka Ciyaaraha Aduunka

0

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo xubnaha la socday masuuliyiin katirsan dowladda Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid noqday madax kala duwan oo caalamka ka kala socota oo lagu casuumay daawashada ciyaarta fiinaalka ee u dhaxeysa dalalka Arjentin iyo France.

Xasan Sheekh ayaana caawa goobjoog ka noqon doona daawashada ciyaarta xiisaha badan ee lagu soo gabagabeenayo koobka adduunka 2022, waxa uuna madaxweynaha dhinac fadhiisan doonaa madax kale oo caalamka ka socota oo iyana ciyaarta lagu marti qaaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inta uu Qatar joogo in uu kulamo la qaato madax katirsan dowladad Qatar , waxa uuna kala hadli doonaa madaxweynaha masuuliyiinta uu la kulmo xoojinta xiriirka laada dal iyo kordhinta taageerada dowladda siiyaan.

Ad
Previous articleIlo yar oo ku dhintay Doon Tahriibayaal ah oo kasoo tagtay Turkiga kuna Jeeday Giriiga, Tirada Tahriibyaasha oo lasoo bandhigay
Next articleSafiirka Jabuuti U Fadhiya Soomaaliya oo lagu Qaabilay Xafiiska Gudoomiye Madaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here