Home Wararka Maanta Faahfaahin Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay...

Faahfaahin Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza

0

Wiil uu dhalay Wasiir ka tirsan xukuumadda Israa’iil Gadi Eisenkot, ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaza, sida ay shaaciyeen ciidamada Israa’iil.

Gal Meir Eisenkot 25 jir ah ahna askari ka tirsan guutada 699-aad ee ciidamada milateriga Yuhuuda ayaa lagu dilay dagaalka ka socda waqooyiga Marinka Gaza

Aabihii wuxuu mar soo ahaa madaxa guud ee ciidamada Israel laga soo bilaabo Febraayo 2015 ilaa Janaayo 2018, wuxuuna ka soo shaqeeyay militariga afartan sano.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 7-dii Oktoobar, wuxuu ku biiray golihii wasiirrada ee xilligii dagaalka isagoo wasiir ah oo aan xil hayn. Waa xubin ka tirsan Xisbiga Midnimada Qaran ee Benny Gantz

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa tacsi ku muujiyay qoraal uu soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jiray Twitter.

Ad
Previous articleWiil Uu dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Cara Ka Abuuray Stanbul iyo Duqa Magaaladaas oo Wacad ku maray inuu soo Qaban Doono
Next articleRuushka oo Dhalinyaro Soomaaliyeed xoog ku Askareeyey kana Qayb galinaaya Dagaalka Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here