Home Wararka Maanta Qarax ka Dhacay Dalka Pakistaan iyo Dad ka badan 30 Qof oo...

Qarax ka Dhacay Dalka Pakistaan iyo Dad ka badan 30 Qof oo ku Dhintay

0

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan in ka badan 100 kalana waa ay dhaawacmeen qaraxa ka dhacay waqooyi-galbeed ee degmada Bajaur, halkaas oo ay shir ku lahaayeen Jamiat Culema-e-Islam-Fazl (JUI-F).

Booliiska ayaa sheegay in ay heleen cadeymo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah. Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana saraakiisha dowlada ay ka digeen in dhimashadu ay intaasi kasii badato maadaama dadka dhaawaca ah ay aad u badan yihiin.

Boqolaal qof ayaa ka qeyb galayay shirka shaqaalaha JUI-F ee Axadii ka dhacay magaalada Khar, oo ka tirsan degmada qabaa’ilka Pakistan ee Bajaur, ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, una dhow soohdinta Afghanistan.Maamulka ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad oo deg deg ah isbitaalka degmada.

Dadka qaar oo si xun u dhaawacmay ayaa ku sugayay afaafka hore ee xarumaha caafimaadka iyagoo la tacaalaya dhaawacyada tirada badan.

Hoggaamiyaha gobolka ee JUI-F, Maulana Ziaullah, ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay saraakiisha maxalliga ah sheegeen. JUI-F waa xisbi diini ah oo weyn, wuxuuna qayb ka yahay isbahaysiga dawladda ee baarlamaanka Pakistan.

Hogaamiyaha xisbiga, Fazal-ur-Rehman, ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif inuu bilaabo baaritaan ku saabsan qaraxa.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay inay weerarkaas fuliyeen, ayaa haddana laanta maxalliga ah ee kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) ee Pakistan waxay sheegtay inay ka dambeeyeen dhowr weerar oo sannadkan ka dhacay magaalada Bajaur, waxayna horay u sheegatay inay la beegsatay JUI-F. Bishii June, maleeshiyada ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilka sarkaal ka tirsan xisbiga oo lagu dilay tuulada Inayat Killi.

Ad
Previous articleRuushka oo cayimay raashin uu siinayo Somalia
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here