Home wararka Dalka Faah Faahin Weerar Ka Dhacay Deegaanka Jeexdin Ee Bariga Gobalka mudug Laguna...

Faah Faahin Weerar Ka Dhacay Deegaanka Jeexdin Ee Bariga Gobalka mudug Laguna Qaaday…

2

Warar naga soo gaaraya deegaanka jeexdin oo ku yaala bariga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa kusoo waramaya in halkaasi lagu dilay dad xoolo dhaqataa

weerar ay deegaanka jeexdin ku qaadeen malayshiyaad taabacsan maamulka puntland ayaa lagu dilay hal ruux oo xoola dhaqataa halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray waxayna malayshiyaadka weerarka gaystay sidoo kale wax yeelo u gaysteen xoolo ay lahaayeen dad reer guuraa ah oo kasoo jeeda dhinaca maamulka galmudug

Dadka ku nool deegaanka jeexdin ee bariga gobalka mudug ayaa warbaahinta mudug24 u sheegay in weerarka lagu soo qaaday xili ay afurayeen ayna arkeen ciidamo fara badan oo mar qura rasaas ooda kaga qaaday dadkii iyo xoolihii halkaasi ku sugnaa ka dibna goobta iskaga laabtay

Xaalada deegaanka jeexdin ayaa ah haatan mid dagan waxaana uu dilkaani u dambeeyay daba socdaa dilal isdaba joog ah oo maalmihii dambe malayshiyaad kasooo jeeda maamulka puntland ay kusoo qaadayeen dadka reer miyiga ah ee ku abtirsada galmudug kuna sugan bariga iyo galbeedka gobalka mudug

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. Gaalkacyo (Majerteen)

    Muqdisho (Marexaan)

    Kismaayo (Ogadeen)

    Gunaanad:

    Darood xukun qabsaday ama meel madax ka noqday ma mar aanu ku dilin ama dadka kale dilin baa jirta?

    Doqon waxa ah ninka Soomaalinimo been ah lagu qaldayo. Waar wax is bedelay ma.jirto ee is.ilaaliya yaan sidi cabdullahi yusuf idin galay la.idin gelin. Waa iga talo mar hadi aad xukun Darood ku hoos nooshihiin.

  2. Dagaal iyo dil haduu khayr lee yahay somali oo dhan ayaa is laysay dilkana labada dhinacba waa ka dhacaa waxuuna socdaa 30 sano kabadan runtiina waxa qaati laga taagn yahay waa xoolo dhaqatada reer galmudug oo markasta soo noolaynaya colaadaha laga nasto, waxaan anigu ku talin lahaa in aan lala kala safan dadkaas islaanka ah oo islaynaya ee in loo taliyo oo go’aan adag laga soo saaro hadii ay iyagu wayeen caqli ay isku dayaan waa in xitaa xoog lagu kala cesho oo la ciqabo qofkii dambe oo dil ku kaca.

    mida kale qabiil la dhaho darood ama hawiye oo colaad gaar ah ka dhaxayso majirto labadii jifo oo somali ah oo daris ah Ilaah waa isku saliday miyaad hilmaanten colaadi sacad iyo saleeban oo 10 sano socotay xitaa reer puntland isku dayeen inay heshiisiyaan lana heshiis waayey nugaal cumar maxamudka iyo dhulbahante waa isku layan dhulbahante dhexdiisa waa kan is laynaya xawaadle iyo cayr waa kuwa iyaguna is laynaya, waxaan wa in laga baxa oo meel dheer wax laga fiirsha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here