Home Wararka Somaliya Sawiro: Gaalkacyo oo lagu qabtay Sanadguurada kasoo Wareegatay Markii la dhisay Galmudug

Sawiro: Gaalkacyo oo lagu qabtay Sanadguurada kasoo Wareegatay Markii la dhisay Galmudug

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada iyo Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa ka qeyb galay Munaasabad si heer saraa loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay Sanadguuradii 15-aad ee kasoo Wareegtay markii la aas aasay Dowladda Galmudug 14-kii Agoosto Sanadkii 2006-dii.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay Dowladda Hoose waxaa ka qeyb galay Sidoo kale Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug, Waxgarad, Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Maayarka Degmada Gaalkacyo ayaa guud ahaan Shacabka reer Galmudug iyo Madaxda Dowladda Galmudug ee Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ugu Horeeyo ugu hambalyeeyay 15-sano guurada kasoo Wareegtay aas aaska Galmudug wuxuuna ugu baaqay Shacabka Galmudug in ay gacmaha is qabsadaan Dhulkoodana dhistaan, Cadawgana iska difaacaan.

Ad
Previous articleSawiro: Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guuradii 15aad ee Galmudug
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Ka shiraya xaalada Doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here