Home Wararka Maanta Weerar ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir iyo Masuul dad shacab...

Weerar ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir iyo Masuul dad shacab ah dhibaateeyay

0

Wararka Laga helayo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka degmadaas uu saddex qof oo shaca ah ku dhaawacay toogasho..

Masuulka dadka shacabka ah dhaawacyada u geystay waxaa lagu magacaabaa Cabdi-waduud Sheekh Maxamed Macalow, waxuuna ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Mudug24 u sheegay in dhaawacyada soo gaaray qaar ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwo daran, waxayna rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkooda.

Qof ku sugnaa goobta ayaa sheegay in sarkaalkaan oo ku hubeysnaa Bistoolad uu rasaas ku furay dadkaas oo hal goob ku sugnaa.

La soco Faah Faahinta

Ad
Previous articleDadka Somaliland ay ka Soo Masaafuriyay Deegaanadeeda oo Kumanaan Kun gaaray (Akhriso)
Next articleWararka Ugu Danbeeyay Xaalada Magaalada Guriceel ee Saaka oo Xiisad Wali ka jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here