Home Wararka Somaliya Dhageyso Codka: Axmed Fiqi oo ka hadlay Xaalada Galmudug arinta Ahlu-suna iyo...

Dhageyso Codka: Axmed Fiqi oo ka hadlay Xaalada Galmudug arinta Ahlu-suna iyo Go’anka Qoor Qoor

0

Shir jaraa’id uu maanta gelinkii dambe ku qabtay Magaalada Muqdisho Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan iska casilay Xilka Wasiirkii Amniga Galmudug ayuu si qoto dheer uga hadlay waxay isku qabteen isaga iyo Madaxweyne Qoor qoor.

Inuu sheegay kasokoow arimo ubadan sida Villa Soomaaliya udooneyso iska horkeenida Shacabka Galmudug,eedeyn uu ujeediyey Xildhibaano iyo saraakiil ku baaqay in la weeraro Guriceel ayuu dhanka kale soo bandhigay mowqifkiisa Duulaanka lagu qaadayo Ahlusuna.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ka digay in la beegsado guriceel oo dadkeedu haatan dhibaatooyin qax iyo abaaro iskugu darsameen.

Waxa uu weerar aan gambasho laheyn ku qaaday Madaxweyne farmaajo,Lataliyihiisa Fahad Yaasiin,Xildhibaano uu mahad salaad ka mid yahay,Farxaan Qaroole,General Odawaa iyo Madaxweyne Qoor qoor.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa fariin udiray saraakiisha ciidamada ee doonaya inay guriceel weerar ku qaadaan.

10 cisho ayey Ahlusuna la wareegeen ciidan udaacad ah guriceel ilaa wakhtigaasi dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa la dareemayey.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya
Next articleCiidan ka Socda Amison oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here