Home Wararka Maanta faahfaahin kasoo baxaysa Qarax Ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

faahfaahin kasoo baxaysa Qarax Ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray oo dhaliyay khasaarooyin  kala duwan.

Qaraxan ayaa la sheegay in gaari uu watay loogu soo xiray dambi baare katirsan saldhigga booliiska waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland oo lagu magacaabo Gaandi Boobale, waxaana qaraxan ku dhaawacmay sargaalkan ciidan iyo labo qof oo kale.

Dhaawacyada sargaalka iyo dadka kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaal kuyaalla waqooyiga Gaalkacyo, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska Puntland oo baaritaano ka sameeyay.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa lagu dhaawacay dambi baarahan katirsanaa booliiska Gaalkacyo, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan caawa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Daah-furka TRT World (Sawirro)
Next articleAlshabaab isku Diyaarinaayay Weerer Qorshaysan oo ayagii La Weeraray Askar badana laga Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here