Home Wararka Maanta Dalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta...

Dalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta keentay

0

Guddiga caalamiga ah ee taageerada saxafiyiinta ee “CPJ” ayaa ugu baaqay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan inay ka tanaasusho qorshaheeda xaddidaya ama mamnuucaya aaladda Facebook.

Najibullah Haqqani, oo ah madaxa maaliyadda ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tignoolajiyada ee xukuumadda Taliban ayaa wareysi uu siiyay taleefishin ku sheegay in uu sameeyay istaraatiijiyad lagu xadidayo ama lagu mamnuucayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan.

Ururka caalamiga ah ee taageera saxafiyiinta ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay Facebook-ga ay sii carqaladayn doonto habka loo maareynayo xogta shacabka.

Najibullah Haqqani ayaa wareysiga uu bixiyay uu bixiyay saddex maalmood ka hor ku sheegay in la soo gabagabeeyay qorshaha lagu xadidayo isticmaalka Facebook ee dadka Afgaanistaan ama gabi ahaanba lagu mamnuucayo.

Haqqani waxa uu ku dooday in xiritaanka Facebook-ga ay gacan ka gaysanayso in laga hortago “waqtiga iyo hantida dhalinyarada ee lumaya” iyo in la xakameeyo soo bandhigidda waxyaabaha anshax darrada ah.

Haqqani waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda dhalinyarada Afgaanistaan, isaga oo ku sifeeyay kuwa “inta badan aan waxna qorin waxna akhriyin”, waxa uuna dhaleeceeyay isticmaalka baraha bulshada ee looga faa’iideysanayo shirkadaha dhaqaalaha ku bixiya.

Inkastoo aan la shaacin waqtiga cayiman oo qorshahan lagu fulinayo, haddana Haqqani ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ay diyaarineyso siyaasad lagu dhaqan gelinayo xayiraadda Facebook ee Afgaanistaan.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay dhalinyarada Afgaanistaan mudada ay ku jiraan shabakadaha bulshada.

Ku dhawaaqistani waxay daba socotaa dardaaran ka yimid Mullah Hibatullah Akhundzada, hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Taliban, oo faraya golaha wasiirada inay tixgeliyaan soo jeedinta lagu joojinayo isticmaalka Facebook.

Bayh Leahi, oo ah madaxa isku xirka barnaamijka guddiga taageerada suxufiyiinta ee Asia, ayaa sheegaysa in Facebook-ga iyo warbaahinta online-ka ahba ay ka caawisay Afdhanistan waxyaabo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo nolosha.

Sida lagu sheegay bayaanka Ms. Bayh ee ay daabacday CPJ, soo jeedintan ayaa wiiqaysa xayiraadaha sii kordhaya iyo faafreebka ay Taliban ku hayaan warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa u sheegay bulshada in Facebook-ga aan la xannibi doonin, balse xayiraad lagu soo rogi doono.

Xukuumadda Taliban ayaa horay u mamnuucday TikTok iyo ciyaarta ay dhallinyaradu aadka u xiiseeyaan ee PUBG.

Facebook ayaa ah midka ugu isticmaalka badan Afgaanistaan, waana mid kamida aaladaha baraha bulshada ee ugu caansan dalkaasi, oo ay u badan yihiin dhalinyarada.

Taliban ayaa tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta dalka Afghanistan waxa ay mamnuuceen wax yaabo badan oo si caadi ah looga isticmaali jiray dalkaasi.

Waxbarashada saree e dumarka ayaa kamid iyadoo dhowr mar garoomada dyaaradaha lagasoo celiyay dumar qorsheynayay in ay waxbarasho u aadaan dalka dibaddiisa.

Dhacdadan ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo haweenka iyo hay’ado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Afgaanistaan, waxayna soo saareen hadallo kala duwan oo ka dhan ah xayiraadda gabdhaha ee waxbarashada.

Taliban ayaa sidoo kale Mamnuucay lacagaha qalaad ee dalkaasi laga isticmaali ama lagu kala sarrifi jiray.

Taliban ayaa goor hore shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad.

Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa ay sheegeen in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga.

Taliban ayaa go’aankeeda ku tilmaantay mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan.

Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga isticmaali jiray guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ahaa lacagta ugu badan ee laga isticmaalo suuqyada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan lacagaha dalalka deriska la’ah.

Dhaqaalaha Afghanistan ayaana wiiqmay tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban, maadaama ay meesha ka baxday taageerada caalamiga ah oo ahayd malaayiin dollar, isla markaana ay joogsatay lacagtii amaah ahaanta loo siin jiray.

Ad
Previous articleXanuunka 72 da qof ku dilay Soomaaliya ee ay ka digeyso dawladdu
Next articleWiilal uu Dhalay Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh oo Duqayn lagu laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here