Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiye Ku xigeenkii Hore ee Gobalka Banaadir oo Xildhibaan loogu Doortay Galmudug(Sawiro)

Gudoomiye Ku xigeenkii Hore ee Gobalka Banaadir oo Xildhibaan loogu Doortay Galmudug(Sawiro)

0

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug doorasho ka dhacday ku guuleestay guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP051 waxaa ku tartamay musharax Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) iyo musharax Maxamed Geedi Cawaale , waxaana doorashadan aheyd mid natiijadeeda horey loo sii ogaa.

Kursiga HOP051 oo horey ugu fadhiyay xil Xasan Macalin ayaa goordhaw waxaa kursigaasi ku guuleestay Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) oo helay 81-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Geedi uu helay 14-cod.

Waxaa harsan oo iyana la filayaa in goordhaw ka qabsoonto magaalada Dhuusomareeb doorashada kursi hal kursi, waxaana maanta Dhuusomareeb lagu dooranayaa afar kursi oo saddex kamid ah durba la doortay.

Ad
Previous articleMusharax Madaxweyne oo Goordhow Xildhibaan loogu doortay Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleRaysulwasaare Rooble Oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Kadib Maalmo uu Imaraadka Joogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here