Home Wararka Maanta Madaxwaynaha Galmudug oo ka qeyb galay Shirka dhawrista Deegaanka

Madaxwaynaha Galmudug oo ka qeyb galay Shirka dhawrista Deegaanka

0

Madaxwaynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay shirweyne ku saabsan arrimaha Deegaanka gaar ahaan dhaqan gelinta Sharciga Maareynta Deegaanka Galmudug oo  dhawaan Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug soo saartay, islamarkaana ay meel mariyeen labada gole  ee fulinta iyo Baarlamaanka, uuna saxiixay Madaxweynaha Galmudug.

Shirkan oo maanta looga hadley dhibaatada lagu hayo dhirta iyo duurjoogta ayaa lagu sheegay in dhaqangalinta sharciga cusub uu joojin doono dabar-goynta lagu hayo deegaanka, iyadoo laga shaqeysiinayo hey’addaha amniga iyo laamaha cadaalada ee fulin lahaa sharcigan iyo shuruucda kale sida daah furka shirka lagu sheegay.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo u mahad celiyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda deegaanka, isbadalka Cimilada iyo hormarinta reer miyiga Galmudug ayaa cadeeyay in dhaqangalinta sharciga deegaanka uu gacmaha qaban doono kuwa xaalufinta kuhaya dhirta iyo daaqa.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidanka Lugta oo ka hadlay Dagaalo shalay ka dhacay Gobalka Mudug
Next articleGudoomiyaha Guddiga doorashada oo Maamul Gobaleedyada Qaarkood Eedeen Culus u jeediyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here