Home Wararka Somaliya Galmudug Maxay u taagan yihiin calaamadaha ay isticmaalayeen taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

Maxay u taagan yihiin calaamadaha ay isticmaalayeen taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

0

Cayaaraha maamul goboleedyada ee shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, Galmudugna ay ku guulaysatay ayaa ahaa kuwo xiisad iyo xamaasad ahaan ka heer sarreeyey kuwii hore loo qaban jiray.

Maalmihii ugu dambeeyey waxay taageerayaasha labadii kooxood ee cayaarta kama dambaysta ah wada cayaaray – Galmudug iyo Hirshabeelle – soo bandhigeen calaamado la sheegay in ay u taagan yihiin labadaas koox oo gacanta lagu muujiyo.

Calaamadahaas oo aad u qabsaday baraha bulshada waxay leeyihiin qisooyin iyo taariikh aan shaqo ku lahayn cayaaraha Soomaalida, waxaana laga soo minguuriyey cayaartoy ajnabi ah oo qaarkood lagu ganaaxay.

Calaamadda kooxda Hirshabeelle

Gacmaha is-dhaafsan ee laabta la saaro ama lagu aaddiyo laabta dusheeda waxaa la sheegay inay u taagan yihiin gorgor laba madax leh waxayna dadka reer Albania ee ka soo jeeda Kosovo u haystaan mid u taagan madax banaanidooda.

Lix sano ka hor ayaa lagu ganaaxay calaamadaas oo u eg gorgorka ku sawiran calanka Albania labada cayaartoy ee hore uga cayaari jiray Premier league-ga Ingiriiska, una safta xulka qaranka ee Switzerland ee kala ah Xherdan Shaqiri iyo Granit Xhaka.

Labada cayaaryahan ayaa calaamadaas garoonka ku dhex muujiyey ka dib markii ay goolal ka dhaliyeen Seerbiya oo aan aqoosanayn madax banaanida Kosovo, waxaana midkiiba uu guddiga anshaxa ee FIFA ku ganaaxay 10,000 oo Doollar, ayadoo digniinna loo raaciyey, ka dib markii ay Seerbiya dacwad ka soo gudbisay.

Waxay ku sigteen in laga fariisiyo min laba cayaarood, laakin way ka badbaadeen.

Shaqiri wuxuu ku dhashay Kosovo, Granit Xhaka-na waxaa dhalay laba waalid oo Kosovo ka soo jeeda. Xhaka aabihii wuxuu ahaa maxbuus siyaasadeed, waxaana la xiray ka dib markii ay 1986 banaanbaxyo ay ardaydu ka sameeyeen magaalada Belgrade. Walaalkii – Taulant Xhaka – inkastoo uu ku dhashay magaalada Basel ee dalka Switzerland, misna wuxuu u saftaa xulka qaranka Albania.

Calaamadda Kooxda Galmudug

Calaamadda ay taageerayaasha Galmudug muujinayeen waa mid isugu jirta laba farood – murdisada (murugsatada) oo kor u taagan iyo suulka oo gudub ah. Si kale haddii loo dhigo waa mid u eg xarafka L.

Calaamaddan waxaa laga keenay oo caan ku ah weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska ee Antoine Griezmann oo sidoo kalena u safta kooxda Atletico Madrid.

Cayaartoygaas ayaa bilaabay inuu calaamadaas ku dabaaldego cayaarihii Euro 2016, isagoo u hibaynaya saaxiibkiis fanaanka ah ee reer Canada – Drake, oo qaada heesaha raabka, ka dibna waxay noqotay astaan isaga u gaar ah oo lagu yaqaano. Mararka qaar wuxuu ku daraa qoob ka ciyaar u lugaha ka sameeyo.

Ilaa hadda ma cadda cidda keentay iyo sida loo soo allifay calaamadaha ay taageerayaasha labada kooxood ee galmudug iyo Hirshabeelle ku dabaal degayeen, laakinse ma aha kuwo Soomaaliya gudaheda dambi ka ah ama qofka sharci lagula tiigsan karo.

Ad
Previous articleIlhaan oo sheegtay in inta ay Kongareeska Mareykanka ku jirto “aanan la qaadan karin biyaha Soomaaliya iyo baddeeda.”
Next articleImran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here