Home Wararka Somaliya Jubbaland Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo...

Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo kadib Dilkii Taliye Bakaal Kooke

0

Agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay ciidamada nabbad sugida ee ka howlgal gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Qoraal uu soo saaray agaasimaha hay’adda NISA ayaa loogu magacaabay Jeneral Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan ciiidamada kumaandooska Soomaaliya in uu noqdo taliyaha cusub ee ciidamada NISA gobolka Gedo.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada NISA ee ku sugan gobolka Gedo ayaa la faray in uu si degdeg ah u gaaro taliska ciidamada loo magacaabay lana wareego, waxaana sidoo kale la faray in uu dardar galiyo la dagaalanka Al Shabaab.

Maalmo kahor ayaa qarax lagu dilay taliyihii ciidamada NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo ahaa sargaal awood badan ku lahaa gobolka Gedo, waxaama shaki badan la galiyay dilka sargaalkan oo la tuhmayo in Al Shabaab loo fududeeyay.

Ad
Previous articleDilkii Taliyaha NISA ee Gedo Bakaal Kooke oo weji cusub yeeshay kadib War kasoo baxay Maamulka Jubaland
Next articleWeerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Dalka Turkiga (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here