Home Wararka Maanta Caalim Tariq Ramadan oo lagu waayey dembi kufsi oo lagu eedeeyay

Caalim Tariq Ramadan oo lagu waayey dembi kufsi oo lagu eedeeyay

0

Barfasoorka caanka ah ee dhiga duruusta Islaamka, Tariq Ramadan ayaa lagu waayey kiis la xiriiray kufsi iyo galmo qasab ah oo yiilay maxakamad ku taal dalka Switzerland.

Mr Ramadan oo haysta dhalashad dalka Swiss-ka waxaa awoow u ah Xasan Al-Bannaa oo ah aasaasihii Ikhwaanul Muslimiinkii Masar.

waxaa kiiska keenay maxakamadda haweenay Swiss ah oo sheegtay in uu Tariq ku kufsaday hoteel ku yaala Geneva sannadkii 2008.

Haweenayda oo ah mid soo islaantay kana mid ah taageerayaashiisa ayaa maxakadda u sheegtay in ay barfasoorka kala kulantay kufsi, garaacid iyo aflagaaddo.

Waxay sheegtay in ay tani dhacday ka dib markii barfasoorkan dhiga jaamacadda Oxford uu ku casuumay in ay wadaagan kaxwe kadib mar uu usoo dhamaaday shir ay lahaayeen.

Mr Ramadan oo 60 jir ah ayaa wajihi lahaa illaa saddex sano oo xabsi ah haddi lagu heli lahaa kiiska. Waa uu diiday dhaman eedaymaha, balse wuxuu qirtay in uu haweenayda la kulmay.

Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo Ka Maqan(Sawiro)
Next articleHaweeney 95 sano jir ahayd oo geeriyootay kaddib markii nin boolis ah uu weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here