Home Wararka caalamka Akhriso Dalka Mareykanka oo laga soo tarxiilay Soomaali kale oo gaareysa…

Akhriso Dalka Mareykanka oo laga soo tarxiilay Soomaali kale oo gaareysa…

0

Dayuurad siday 54 ruux Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa  laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dadkan laga soo tarxiilay Maraykanka ayaa isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn waxaana dayuurada lagu soo qaaday dadkan la socday ilaalo hubeysan.

Saraaakiisha Maraykanka ayaa sheegay in dadkan loo soo tarxiilay arrimo la xiriira dhinaca socdaalka iyo dembiyo ay ka galeen dalkaas.

Waa markii afaraad ee dad isugu jira Soomaali iyo Kenyan laga soo masaafuriyo wadanka Maraykanka sanadkan gudihiisa lagana soo dejiyo Muqdisho.

Saraaakiisha Maraykanku waxay sheegeen iney xabsiyada dalkaas ku jiraan kumanaan Soomaali ah oo sugaya in dalkooda loo tarxiilo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here