Home Wararka Caalamka Ra’isul Wasaarihii Hore ee Japaan oo si la yaab leh Lagu Toogtay

Ra’isul Wasaarihii Hore ee Japaan oo si la yaab leh Lagu Toogtay

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.

Ayada oo soo xiganeysa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Abe ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta qaranka ee NHK waxay tiri “ra’iisul wasaarihii hore wuxuu ku dhintay isbitalka magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaasi oo lagu daweynayey. Wuxuu ahaa 67 jir.”

Geerida ayaa waxaa sidoo kale weriyey warbaahinta kale ee Japan sida wakaaladaha wararka Jiji iyo Kyodo.

Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka, iyo ayada oo uu socday ololaha doorashooyinka deegaanka ee dhacaya Axadda.

Goor sii horeysay ra’iisul wasaare Fumio Kishida ayaa ka baaqday masraxa ololaha wuxuuna diyaarad qumaatiga u kacda u raacay caasimadda Tokoyo, halkaasi oo uu kula hadlay weriyayaasha isaga oo codkiisa aad u dabacsan yahay.

“Ra’iisul rasaarihii hore Shinzo Abe waxaa lagu toogtay Nara, waxaana la ii sheegay inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata,” ayuu yiri.

“Waxaan ku duceynayaa in ra’iisul wasaarihii hore Abe uu badbaadi doono. Waxaan cambaareynayaa weerarkan arxan darrada ah ee dhacay ayada oo lagu jiro olole doorasho oo ah aas-aaska dimoqraadiyadda.”

Ad
Previous articleXog ku saabsan Dagaalkii Maanta ka dhacay Saldhiga yaaqshiid
Next articleKenya oo Markale War Cusub kasoo Saartay Xiliga La Bilabaayo khaadka Loo Dhoofiyo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here