Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Cabduqaadir Cali...

Ciidamada Galmudug oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Cabduqaadir Cali oo Xalay Dilay Marxuum Bare Cali Maax

0

Nin hubeesan oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cali Muuse ayaa xalay xaafada Waabari ee degmada Caabudwaaq ku dilay  Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax, dilkan ayaana wali la sheegin waxa uu salka ku hayay.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Caabudwaaq ayaa dilka kadib sameeyay howlgal, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha dilka geestay xilli uu isku dayay in uu baxsado.

Sargaal katirsan ciidamada ka howlgala degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay, waxa uuna xusay in ninkaasi la horgeyn doono caddaalada si loo marsiiyo ciqaabta dilka uu geestay.

Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa kusoo badanaya dilal salka ku haya aanooyin qabiil oo u dhaxeeya dadka wada degmadaasi iyo deegaanada hoostaga,waxaana dhawwaan Caabudwaaq la geeyay ciidamo badan si ay wax uga qabtaan dilalka kusoo badanaya.

Ad
Previous articleHowlgal Culus oo Durbiida Ka Bilowday Muqdisho kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleP.M Rooble oo Safar u aaday Imaaraadka Kadib Doorashadii Xasan Shiikh iyo Imaaraadka oo Waji Cusub u Furay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here