Home Wararka Maanta Deni iyo Xasan Sheekh oo Markale Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

Deni iyo Xasan Sheekh oo Markale Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

0

Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid qorshaha dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, xilli baarlamaanka uu shalay bilaabay ka doodista arrinkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in qorshaha dowladda federaalka uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, ayada oo sidoo kale ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo in uu meesha ka saaro heshiiska  dowladnimada Soomaaliya.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maamulka uu doonayo in waddo sax ah oo sharci ah loo maro wax ka beddelka dastuurka.

“Puntland waxay ogoshahay in wax ka beddelka dastuurka loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka, oo ah habraac ku dhisan in heshiis iyo wadatashi loo dhan yahay laga sameeyo wax ka beddelkiisa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha dowladda uusan noqon karin meel mar, maadaama uu ku dooday in laga leexday hanaankii saxda ah, “madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay waxay Xamar ka wadaan waxay ummadda u keenaysaa dib u dhac.”

“Waxay keenaysaa in dastuurkii ama qoraalkii keli ah ee 50 sano kadib dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ay maanta daaqadda ka saarayaan, oo waddo sharci darro ah u marayaan. Ma shaqeynayso taasi, qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurkaba Xasan iyo koox yar uu wato ma beddeli karto,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay wasiirka caddaaladda maamulka Puntland.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin kuna dhaqmi doonin wax ka beddelka dastuurka, haddii ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh si sharci darro ah wax uga beddesho dastuurka.

“Waa in laga digtoonaado tallaabo kasta oo mugdi galin kara qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa shalay bilaabay ka doodista wax ka bedelka dastuurka oo la qorsheynayo in laba todobaad ay socoto oo ugu dambeyna la ansixiyo, waxaana is weydiinta tahay haddii si isku duuduub ah loo meel-mariyo sida loo hirgeli doono, iyada oo ay diidan yihiin madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Ad
Previous articleWafdi Kasocda Dowlada Soomaaliya oo gaaray Adisababa Xili Khilaaf Xoogan Wali Ka Dhex jiro Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleSomaliland oo hanjabaad nooceedu cusub yahay u dirtay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here