Home Wararka Somaliya Galmudug Isbitaalka Wayn oo Laga Daahfuray Magaalada Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug(Sawiro)

Isbitaalka Wayn oo Laga Daahfuray Magaalada Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug(Sawiro)

0

Shalay oo Taariikhdu ku beegnayd 12ka Bisha June 2022,Waxaa la daahfuray Isbitaalka Degmada Afbarwaaqo.

Wafdi balaaran ay hugaamineysay,Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe isla markaana ay qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Mahad Caabi Ciise, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed xuseen Shire Bukhaari iyo Masuuliyiin kale ayaa xarigga ka jaray isbitaalka degmada Afbarwaaqo Ee Gobalka Mudug.

Masuuliyiinta Dowladda Galmudug ayaa si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha isbitaalkaan, iyagoona kormeer ku samayay qeybaha uu ku kooban yahay isbitaalka degmada.

 

Ad
Previous articleWarsame Ismaciil oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay iyo Faahfaahin kasoo baxaysa
Next articleKiiska ikraan Tahliil oo Markale Cirka Isku Shareeray iyo Baarlamaanka Oo Soo Faragaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here