Home Wararka Maanta SAWIRO: Howlgal lagu soo qab-qabtay Ciyaal weero & hub kala duwan oo...

SAWIRO: Howlgal lagu soo qab-qabtay Ciyaal weero & hub kala duwan oo Muqdisho ka dhacay

0

Maamulka Degmada Kaaraan & Talisyada Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa caawa Howlgal ballaaran ka sameeyey degmadaas.

Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey amaanka degmada Kaaraan qeybo ka mid ah oo mudooyinkan ay dhibaato isku jirta dil, dhac iyo kufsiba ka wadeen Ciyaal weero iyo kooxo kale oo hubeysan.

Saraakiisha Maamulka Degmada Kaaraan ayaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabqabtay dhalinyaro ciyaal weero ka tirsan iyo Hub kala duwan oo lagu dhici jiray Bulshada Degmada Kaaraan.

Waxay sheegeen in howlgaladan ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amaanka degmada Kaaraan iyo nawaaxigeeda oo mudooyinkan soo xumaanayey.

Degmooyin ka tirsan Muqdisho waxaa dhibaato ba’an ku haya xiliyada habeenkii kooxo la baxay Ciyaal weero iyo geysta falal kala duwan oo amaan daro, waxaana degmooyinka ay ciyaal weeradu dhibaatada ku heysa ka mid ah Kaaraan, Yaaqshiid, Wadajir iyo Dharkeynley.

Ad
Previous articleItoobiya oo duqeymo culus ka bilowday Gobalka Bakool
Next articleITOOBIYA oo Bilowday inay biliwday Dhismaha Wajiga 2aad ee Biyo-xireenka ay ka hirgalinayso Wabiga NIIL iyo Masar iyo Sudaan oo Xaalku Ku xunyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here