Home Wararka Maanta Maraykanka oo Taageeray Gudiga Doorashooyinka Kana Horyimid Go’aan kasoo Baxay QoorQoor iyo...

Maraykanka oo Taageeray Gudiga Doorashooyinka Kana Horyimid Go’aan kasoo Baxay QoorQoor iyo Laftagareen

0

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaal.

Warka Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyey xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.

Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa xaley soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhameystirka doorashada Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaynaa inaan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib marka la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon” aya lagu yiri qoraal lagu daabacaya barta Twitterka ee safaarada

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili  qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay ka soo horjeesteen jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka.

 

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee Garbahareey Taalay
Next articleMidowga Musharixiinta oo Soo Dhaweeyey Go’aanka Kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here