Home Wararka Maanta Danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya oo ka...

Danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya oo ka hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood

0

Danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay soo hagaagayey, kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tarsan oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in labada dal oo daris ah aysan kala maarmin, isla-markaana ay labada dhinacba baahi u qabaan xoojinta xiriirkooda.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaali fara badan ay ku nool yihiin gudaha dalkaasi, ayna ku leeyihiin ganacsiyo waa weyn, sidaas darteed ay tahay in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi Soomaaliyeed iyo hagaajinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada shacab.

“Dowladda Kenya iyo annaga oo deris ah waxa aan nahay labo dowladood oo aan kala maarmi Karin, waxa aan leenahay xuduud dheer. Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkaan ku shaqeysta, si nabad ah oo xasilooni ah oo ay raali ka yihiin Dowladda Kenya iyo mas’uuliyiintooda, sidaas awgeed waxa ay dadka Soomaalida aad waxa ay ugu baahan yihiin in aan xoojino xiriirkeena, xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya muhiim ayuu inoo yahay iyagana sidoo kale oo lama kala maarmo labada dal” Danjire Maxamuud Tarsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku qasban yihiin inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shahaab oo weeraro ka fuliso labada wadan.

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya aysan gooni u kala taagnaan karin, isla-markaana ay leeyihiin hal cadow oo ah kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya iyo Kenya ma jiro dal gooni u taagnaan kara waayo waxaa naga dhaxeeya hal cadaw oo ah Shabaab oo dhibaato ku ah xasiloonida iyo degenaashiyaha Soomaaliya iyo Kenya, haddii aan gacmaha is qabsano anaga iyo Kenya shaki kuma jira in aan jebin karno oo aan ka guuleysan karno ka bacdina aan u jeesan karno sidii aan u dhisan lahayn dhaqaaleena una hagaajin lahayn waddamadeena” ayuu markale raaciyey Danjire Tarsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan la filayo la furo xadka labada dal, sidoo kalena dib loo bilaabo keenista qaadka ka yimaada magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Ad
Previous articlePuntland oo Xal Cajiib ah u Heshay Shidaal Yaridii Ka Jirtay Deegaanada Puntland(Sawiro)
Next articleAskar ka tirsanaa Ciidanka Dowlada oo Dilay nin Doonaayay inuu isaga Dilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here