Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM (Sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM (Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

Ad
Previous articleShir Xasaasi ah oo Maalintii labaad galay oo Musharaxiinta u soconaya iyo Siyaasiin ku biiray
Next articleDoorashada Kursigii loo diiday Gudoomiye Jawaari oo Lagu calinaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here