Home Wararka Somaliya Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud oo Weerar Khasaaro laga soo sheegayo

Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud oo Weerar Khasaaro laga soo sheegayo

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, kaas oo marayay Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rasaasta uu ku dhawacmay hal Ruux sidoo kale Gaariga uu burbur soo garay, isla markaana falkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo waayadaan ka jiray degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan Gorgor ee dhawaan la geeyay degaanka Xananbuurre oo dagaal Beeleedyo ay ka dhaceen ayaa ku baxay halka gaariga lagu rasaaseeyay

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Gorgor ay saaka howlgallo kala duwan ka wadaan duleedka Degaanka Xananbuurre, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay weerarkas.

Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii dagaalamay.

Ad
Previous articleGalmudug: Ciidanka Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Gacanta ku dhigay Nin dilay Xaaskiisa
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo iska diiday soo dhaweynta Mudo kordhinta Farmaajo iyo abaabul socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here